Fiqi oo war ka warbixiyey xiriir uu la sameeyey dhiggiisa Sudan – Maxay ka wadahadleen?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qadka taleefanka ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Suudaan Dr. Cali Yuusuf Axmed, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Danjire Fiqi ayaa Dr. Axmed u rajeeyay guul ku aaddan xilka cusub, isagoo ku dhawaaqay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan.

“Labada wasiir waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinnimada ka dhexeysa Soomaaliya iyo Suudaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Fiqi.

Labada Wasiir ayaa isku raacay inay sii horumariyaan iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo dadaallada xasilloonida gobolka ee ku qotoma danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan.

Suudaan waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, waana wadan ay ka taagan yihiin colaado sokeeye oo dhowaan ka qarxay wadankaas.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii mudada dheer awooda militeri ku xukumi jiray Suudaan Cumar Al-Bashiir, waxay Suudaan cagaha la gashay mushkilado sokeeye iyo dagaalo aan kala joogsi laheyn, kadib markii dhinacyo kala duwan ay isku qabsadeen xukunka.

Dowladda Soomaaliya ayaa abaal badan u heysa Suudaan, maadaama sanadihii uu burbursanaa dalkeenu ay ardayda Soomaaliyeed ka caawi jireen waxbarashada, sidoo kale dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya ayay door muhiim ah ka qaateen.



Source link