Muxuu Xasan Sheekh ka sheegay shirka maalgashiga Jarmalka iyo Afrika? + Sawirro

Posted on




Frankfurt (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay shirka maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashideyaasha caalamiga ah, islamarkaana ay heleyaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

Shirkaan ayaa waxaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehlinayey wafdi uu kamid yahay wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-Beene).










Source link