Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta ciidanka birmadka booliska.
S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa faray saraakiisha iyo ciidanka birmadka booliska ee uu la kulmay inay dardar-geliyaan howlaha amni ee horyaala, isagoo kula dardaarmay in loo turo bulshada loo adeegayo.
Ciidanka birmadka booliska ayaa u xil-saaran ka hortagga rabshadaha, ilaalada xarumaha dowlada iyo garab siinta ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran la-dagaalanka argigixisada iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Diyaano ayaa kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay kamid yihiin taliska ciidanka nabad-galyada waddooyinka (Taraafiko) iyo saldhigga booliska garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Taliyaha ayaa sidoo kale tegay xarunta Akadeemiyada booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye, iyo hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da.
Intii uu kormeerka ku jiray taliyaha wuxuu warbixin ka dhageystey madaxda fadhiyada uu kormeerey, isaga oo kula dardaarmay inay laba-jibaaraan dadaalkooda shaqo, si ay u gutaan waajibka ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay dadweynihii adeegyada kala duwan loogu hayay goobaha uu booqday, isaga oo warbixino ka dhageystay shacabka halkaas usoo doontey adeega.