Xasan Sheekh oo waxqabadkii laga sugayay ku beddelay saddex arrin oo yaab leh

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsame ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha, wuxuuna soo bandhigay saddex qodob oo uu saldhig uga dhigay eedeymihiisa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu wax-qabadkiisa ku beddalay qabuuro soo faagid, guryo la burburiyo iyo inuu dalka kusoo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dibadda.

“Madaxweyne Xasan, waxqabadkii ay dadka ka sugayeen wuxuu ugu beddelay; kuwo uu qubuuraha ka soo faago, kuwa uu guryaha ku dul-dumiyo iyo kuwa uu dibadda ka soo tarxiilo. Madaxweyne shacabka u tur” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay howlo burburin ah, waxaana uu haddda howlgalka uu ka socdaa agagaarka Ex-kontrool Afgooye.

Halka horay loo burburiyay xaafaddii Dab-damiska, waxaana lagu sii socdaa xaafadda Kalluunka oo iyana ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda wajaheyso mucaaradad xoogan, oo ka dhan ah qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo doorashooyinka oo ay ka horyimaadeen Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

The post Xasan Sheekh oo waxqabadkii laga sugayay ku beddelay saddex arrin oo yaab leh appeared first on Wararka Maanta.

Source link