Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hortegaya BF + Qorshihiisa

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu hortago xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo qorshihiisa siyaasadeed iyo xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkii hore kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaannada iyo guddoonka sare, wuxuuna ka codsaday kulankan gaarka ah ee uu maanta ku hortagayo Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kulankii hore ee uu la qaatay xildhinaannada ka xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, isaga oo sheegay inay dhexda u xirteen qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxaa kale oo uu ku adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.

Qorshaha maanta ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah in Baarlamanka uu ka dalbado in ay dib udhigaan fasaxood oo lagu wado inuu bilowdo lixda bishan, maadaama la gaaray xilligii la xiri lahaa kalfadhigooda

Sidoo lale madaxweynaha ayaa doonaya in ugu yaraan mudo bil ah ama 45 Cisho uu sii shaqeeyo Baarlamanka si loogu ansixiyo sharciga doorashooyinka iyo gudiga dooraahooyinka Qaranka, waxaana soo baxaya guux la xiriira in xildhibaanada qaar ay diidan yihiin arrintaasi

Kulankaan waxa uu kusoo aadayo, iyada oo dhowaan lasoo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah waxaana kamid ah in dalka uu aadayo doorasho toos ah, si looga maarmo mid dadban.

Si kastaba, go’aankan oo ay ku hoos jirto muddo kordhin hal sano ah ayaa waxaa ka horyimid maamullada Jubbalabd, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



Source link