Muqdisho (Wararka Maanta) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatasiha qaranka oo lagu go’aamiyay muddo kororsi hal sano ah, si uu dalka uu aado doorashooyin qof iyo cod ah.
War-saxaafadeedka kasoo baxay shirka aya waxaa lagu sheegay in Goluhu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyaynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.
Golaha ayaa go’aamiyay in oorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxda dowlad goboleedyada waxay dhici doonto bisha Sebtember ee sanadka soo socda, arrintaas oo dhalisay doodda wayn oo qaybaan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ah.
Haddaba sidee looga falceliyay?
Qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha baraha bulshada ayaa si yaabo kala duwan uga hadlay muddo kororsiga lagu dhawaaqay, waxaana qaarkood ay ku tilmaameen sharci darro, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.
Cabdullaahi Guure ayaa yiri “Badbaado Qaran waa diyaar, maadaama madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyadu Dastuurkii ku tunteen oo ay sharci darro ku wada jooggaan”.
Ismaaciil Maare ” Waa wax aan mudo badan sugaynay in aan aragno dalkeenna oo doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Doorasho qof iyo cod ah baa inoo ballan ah inta dowladnimada jecel Hassanow hal mid naga ilaali kaliya buuq ha gelin dalka dadkaba”.
Maxamed Deeq Cabdullaahi “War Hasanoow waddadaas waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaaneyso hadaa adi mirinaayo fadhido waa kuu kaligaa, dalkaan qatar ha galinin”.
Canab Abuukar Maxamuud “Shinbirayow heesa hees wanagsan hees waxa ka jira ma lahan”.
Muuse Baari “Xasanow ka joog hortaa jiraa waayay dalka iyo dadka u tur oo kusoo laabo miiska wadahadalka”.
Cabdullaahi Cali “Waa fashil waxa uu wadaa Xassan waa muddo kororsi sharci daro ah. Puntland, Jubaland iyo SSC Khaatumo waxba talo kuma laha mana qusayso”.
Eng. Maxamuud Jaamac “Waa la yaqaan halkay kusoo dhammaato waddadani Xasanoow ee intaan wakhtigu kaa lumin xaqiiqada kusoo dhawoow”.