Wasiirka Gaashaandhigga DF iyo Jarmalka kala hadlay daan-daansiga Itoobiya

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo taageerada ay dowladda Jarmalka siin karto ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin wareejinta howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Dowladda Soomalaiya ayaa Jarmalka ka dalbatay inay xoojiyaan mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.

Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha muhiimka ah ee Yurub, waxayna Soomaaliya ku tagaeereen qadiyadda ay ka taagan tahay xad-gudubka Itoobiya oo noqday mid caalamka dhan u wada jeedo.










Source link