DF oo dib u bilowday qorshaheeda dagaalka – Maxaa ka socda dalka?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Howlgallada xoreynta dalka ayaa mar kale dib uga bilowday, waxaana laga gaaray guulo waaweyn oo deg deg ah, sida ay ogaatay Wararka Maanta, dowladda ayaa mar kale bilowday in la dardar-geliyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Mudug iyo Galgaduud ayaa la qorsheeyey in dagaalka Al-Shabaab toos looga bilaabo, waxaana todobadii maalmood ee lasoo dhaafay furimaha dagaalka lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgal toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.

Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka.

Waxaa howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS, waxayna ku sii siqayaan deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah uga joogaan gobollada Shabeelooyinka.

Dhanka Mudug, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay cagtamariyey deegaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxayna maanta ka gudbeen Shabeelow iyagoo baacsanaya kooxda, howlgalka Mudug ayaa ka socda dhowr jiho, ciidamada ku jira howlgalkaan waxay ka soo kala dhaqaaqeen Xarardheere, Wisil iyo dhanka Baxdo.

Dhanka Galgaduud, Al-Shabaab waxaa lagu baacsanayaa deegaano hoos taga Ceeldheer, waxaana  lagu gaarsiiyey jab culus ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kala wareegay dhul badan, waxayna hadda u jaheysteen dhanka Ceelbuur.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta 21-aad ayaa ku sugan furimaha bariga gobolka Galgaduud, waxayna toos u hoggaaminayaan dagaalka.



Source link