Dagaal culus oo dib uga qarxay degmada LUUQ

Posted on




Luuq (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo goordhow dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalka ayaa saaka dib uga bilowday bartamaha magaalada, waxaana maleeshitaadka ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo in dhowaanahaan isku horfadhiyay degmada Luuq ayaa mar kale saaka is fara saaray, kadibna waxaa sidaas ku bilowday dagaalkooda.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee degmada, balse ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo shalay Kismaayo uu madaxweynaha Jubbaland kusoo xiray shir u dhexeeyay odayaasha beelaha haatan ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo










Source link