Xog cusub oo ku saabsan qodista ceelka shidaalka Hol-Hol ee SOOL

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Batrolka Macdanta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan qodista ceelka shidaalka ee ku yaalla gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka oo faah-faahinayay heshiiska shidaal qodista Soomaaliya ayaa sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Qatar ay kula heshiiyeen ceelka shidaalka ee Hol-Hol, isla markaana ay dhawaan bilaabi doonto shaqada.

Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo sida loo wajaho shidaal qodista, balse wuxuu xaqiijiyay in shirkaddu ay la galeen heshiis rasmi ah.

“Waxaan rajeynayaa in Hol-hol shirkadda Qatar ee aan heshiiska la galnay way sameyn doonaan wixii baaris ah, heshiiska ayayna qayb ka tahay intaas ayaa uga baxaa ma rabo inaan faah-faahin kale sii galo, jadwal ay leeyihiin, kaas ayaynka ku soconayaan” ayuu yiri wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Puntland oo si weyn u diidan, wuxuuna sheegay inay isku dayeen inay qanciyaan, balse ay ka biyo diiday arrimaha shidaalka iyo baaristiisa.

“Waa isku deynay in dhanka Puntland aan ka sameyno cabir nasiib darro State-ka Puntland waxaan aargnaa in uusan diyaar u ahayn in cabir loo sameeyo”

Wasiirka Batrolka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in heshiiskan aan la horgeyn doonin baarlamaanka, isaga oo ku dooday inuu yahay mid u dhexeeyo kaliya wasaaradda iyo shirkadda Qatar ee la saxiixay ceelka shidalka ee Hol-Hol

“Waxaan kale oo aan rabaa inaan sheego heshiisyada aan galnay looma baahna baarlamaanka in la marsiiyo oo ma’aha heshiisyo caalami ah, waa heshiisyo shirkad iyo wasaaradda ka dhexeeya” ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa dhowaan qorsheyneysa inay bilowdo shidaal qodista, waxaana tallaabadii ugu horreysay arritaan u qaaday dowladda Turkiga iyo marab baaris ah usoo dirtay Soomaaliya.



Source link