Xiisadda XUDUR oo cirka isku shareertay kadib tallaabadii maamulka K/Galbeed

Posted on

Baydhabo (Wararka Maanta) – Xiisadda u dhaxeysa maamulka degmada Xudur iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed uu soo saaray amar uu ku kala direyo maamulka degmada.

Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in go’aanka uu ku kala diray maamulka degmada Xudur iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmadaas u yimid kadib wada-shaqeyn la’aan maamulka ah.

Go’aanka kala dirista maamulka degmada Xudur ayaa waxaa si adag uga horyimid xubnaha la kala diray oo maanta warbaahinta la hadlay.

Xubnahan oo iska diiday amarka maamulka Koonfur Galbeed kasoo baxay ayaa waxay ku eedeeyeen wasiirka arrimaha gudaha maamulka inuu khatar ku yahay nabad-galyada ka jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ku-xigeenka 1-aad Cali Xuseen Xasan iyo kan 2-aad Raxmo Nuur Aadan oo ay wehliyaan xubnaha golaha deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah.

Xiisadda ka taagan Xudur ee gobolka Bakool ayaa imaneysa xilli ay weli go’doon ku jirto, islamarkaana ay bulshadeeda wajahayaan culeyso xooggan, maadaama ay kooxda Al-Shabaab ku hayso cadaadis horleh.

Si kastaba, arimahan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe gashay jahwareer, iyada oo ay sii kordheen isku dhacyada siyaasadda, beelaha iyo xitaa masuuliyiinta xilalka haysa dhexdooda.



Source link