War cusub oo kasoo kordhay arrinta SSC-Khaatumo iyo DF Soomaaliya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrinta dhismaha SSC-Khaatumo ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu garab siiyay dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka libin dhecday hoggaanka iyo shacabka deegaamada SSC-Khaatumo, isaga oo uu tilmaamay in loo tixgelin waayey jacaylkii ay u qabeen dalkooda, ayna u goyn weysey ka qaybgalka shirarka Muqdisho.

“Madaxda SSC oo lahaa Xasanow waanu ku jecelnahay xitaa waa la tixgalin waayay jacaylkoodii oo ku hungoobeen Xamar” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad.

Horay SSC oo war-saxaafadeed usoo saartay ayaa garnaqsatay, waxayan farriin u dirtay golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka Khaatumo waxaa sidoo kale lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan.

“Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka SSC-Khaatumo.



Source link