Maxay Puntland ka tiri go’aanka uu Axmed Madoobe uga baxay shirka?

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Puntland ayaa si weyn usoo dhaweysay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu isaga baxo shirka golaha wadatashiga qaran ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku amaanay Axmed Madoobe inuu diiday ka qeyb noqoshada wax ugu yeeray “tallo xumada hoggaanka dowladda federaalka.”

“Axmed Madoobe markuu labo maalmood soo horfariistay, waxaa lagu yiri annagaa muddo kordhin ku siinayna ee dastuurka Jubbaland iska tuur,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha ay wado dowladda federaalka aan dalka lagu gaarsiin karin doorasho qof iyo cod ah, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu diidan yahay in loo laabto doorasho dadban.

“Xasan Sheikh wuxuu ku yiri dowlad goboleedyad anaa muddo kordhin idin siinaya. Xasan wuxuu tuuray dastuurkii isku hayay dalka, haddana wuxuu rabaa inuu tuuro dastuurkii ay lahaayeen dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka biyo diiday sida ay wax u wado Villa Somalia ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, waxaana durba tallaabadan ku amaantay Puntland oo ayadu kal hore kala furteen dowladda dhexe.

Si kastaba, shirka golaha wadatashiga qaran oo wajahaya fashil culus ayaa haatan waxaa socdo qorshe la doonayo in go’aanno looga soo saaro, iyada oo uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, uuna horey uga maqnaa Saciid Deni.



Source link