Xog ku saabsan duqeymo lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay aagga deegaanada Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay cakiran tahay, isla markaana weerarka cirka ah uu bilowday saala aroortii hore, waxaana barbar socda dagaallo toos ah.

Weerarkan ayaa daba socdo duqeymo shalay ka dhacay isla gobolka Galgaduud oo lagu laayay Al-Shabaab badan.

Warsaxaafadeed Sabtidii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray.

Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaalooyin badan oo ka tirsan Galmudug.



Source link