Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi.
Duqeymaha oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu garaacay goobo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.
Deegaanada la duqeeyay ayaa dhaca dhulka Caragaduudka ah ee ku yaalla inta u dhaxeysa Mesagawey, Baraag Sheikh Caamir, illaa Coosweyne ee gobolka Galgaduud.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo maleeshiyo ah, kuwaas oo lala beegsaday duqeynta.
Illaa 6 gantaal ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen aaggaasi, waxaana jira khasaare xoogleh oo Al-Shabaab kasoo gaaray duqeynta.
Dhinaca kale qoraal kooban oo uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxa uu ku sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay kooxda.
“Khawaarijtii Caawa aaga Galgaduud qumbulado Jahannami ah ayaa ku wada dhacaaya! Ducadu waa xagiina.Geeshkayagoow Guuleysta” ayuu yiri wasiirku.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud.