Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee caasimadda Muqdisho.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ah shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboledyada fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, sida ay shaacisay Villa Somalia.
Shirka ayaa waxa kale oo looga wada-hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.
Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Qabsoomidda shirkan oo waqti badan qaatay kadib markii madax goboleedyada qaarkood ka cago jiideen kasoo qeyb-galkiisa ayaa waxaa laga sugaya in go’aan looga gaaro doorashooyinka maamullada oo intooda badan ay yihiin muddo dhaaf.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeysanaya qabsoomida doorasho qof iyo cod, islamarkaan diidan in lagu laabto doorasho dadban ayaa la ogeyn sida uu madaxda ugu qancin doono qorshihiisa, xilli madax goboleedyada qaarkood ay rabaan in loo fasaxo inay doorasho qabsadaan.