Boosaaso (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni diyaarad gaar ah uu ku tegay halkaasi, isaga oo kasoo ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana Boosaaso ku soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ciidan.
Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo culus iyo kulamo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira magaaladaasi, isaga oo la shiri doono mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qorshaha ugu wayn ee uu Deni u tegay Boosaaso ay tahay dardar-gelinta dagaalka ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, isaga oo la kulmo saraakiisha Mareykanka.
Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu hoggaamin doono abaabul culus oo kooxda lagu qaadi doono, si looga saaro dhulka Puntland gaar ahaan buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad oo ay ku dhuumeystaan.
Dhowaan ayaa Puntland ay sheegtay in ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo ay ku jiraan rag ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama, halisna ku ah amniga Puntland iyo guud ahaan dalka.
Dhinaca kale safarka Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Boosaaso ay ka jirto xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada PSF iyo Puntland, taas oo ka dhalatay isku haysiga garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhowaan ay digniino kasoo sareen ciidamada PSF.
Xiisadda ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladan oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo ay horay labada dhinac ugu dagaalameen kadib khilaaf soo kala dhex galay.