Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) aya maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wasiirka amniga gudaha, xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale.
Taliyaha cusub oo goobta ka hadlay ayaa markii uu xilka wareegay sameeyay ballan qaadyo waa wayn, isaga oo xusay inuu wax ka qaban doono amniga iyo horumarinta Booliska.
“Waxaan u taaganahay sugidda nabadda, ilaalinta xuquuqda aadanaha dhowrista sharafta Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ka shaqeyn doonaan sare u qaadida tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sare u qaadida wada shaqeynta ka dhexeys Booliska iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho oo xudunta dalka.
“Waxaan curin doonaa qorshayaal amni oo saldhig u tahay cilmi iyo aqoon oo lagu sugayo amniga caasimada, iyo sidii aan u gaarsiin lahaa adeegga bulshada gobolka kasta oo Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.
Asad Diyaano ayaa sidoo kale shaaciyay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan.
“Waxaan xoogga saari doonaa in Booliiska shacabku ku kalsoonaado Min Raas Kambooni illaa Raas Caseer” ayuu mar kale yiri taliyuhu.