Xogta saraakiil maanta lagu dhaariyay xerada TURKSOM + Sawirro

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Kuliyadda tababarrada ciidamada Soomaaliya ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhaariyay saraakiil cusub oo qeyb ka noqonaya hoggaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan oo qaatay leyli-sarkaal ayaa waxaa xaflada lagu dhaariyay ka qeyb-gelay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha taliska ciidanka xoogga dalka.

Xafladdan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd furitaanka sanad dugsiyeedka 2024–2025, ayada oo halkaasi saraakiisha maanta la dhaariyay kula hadleen saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha ciidan awood leh oo difaaca dalka ku filan.

“Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca diinta, dadka iyo dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dhowr billood kahor ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kuliyadda TURKSOM tababar heer sare ah ugu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xooga saareysay dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, oo kaalin muhiim ah ugu jira xaqiijinta ammaanka iyo difaaca dalka.










Source link