Natiijada kulamo uu ra’iisul wasaare Xamza ka wado New York + Sawirro

Posted on




New York (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa halkaasi ka wada kulamo doceedyo uu la yeelanayo madaxda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kulan muhiim ah kula yeeshay wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

Ra’iisul wasaaraha iyo wasiiru-dowlaha ayaa ka wada-hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kulan doceed kale oo isla maanta la yeeshay madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman, oo qeyb ka ah madaxda ka qeyb-galeysa golaha guud ee QM.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Labada masuul ayaa kulankooda si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Ra’iisul wasaare Xamza oo hadda intii ku sugnaa New York kulamo doceedyo kala duwan la qaatay madax dhowr ah ayaa xooga saareeyay sare u qaadida xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalkaasi iyo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada.










Source link