Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay dalacsiinta iyo magacaabista SULUB

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –  Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay kadib markii  xil cusub iyo dalacsiin darajo uu isku helay taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Sulub Axmed Firin oo haatan lagu beddalay Asad Cusman Diyaano oo ay maanta magacaabiistiisa meel-mariyeen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Kahor inta aan xilka laga qaadin Sulub wuxuu madaxweynaha Soomaaliya u dallacsiiyay darajada Sarreeya Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa ninkan saacado uun kadib u magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, si uu uga mid noqdo golihiisa wasiirada.

Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo hadda ra’iisul wasaaraha uu hiilo wayn siiyay taliyihii hore ee ciidamada Booliska.

Haddaba sidee looga falceliyay dallacsiinta iyo magacaabista Sulub?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxayna dadka hadlay ay ka bixiyeen fasiraado kala duwan.

Ayaanle Cabdullahi ayaa falcelintiisa ku yiri “Soomaaliya ayaa laga helaa qof saacado kahor taliye ahaa saacado kadibna wasiir Ah”.

Cabdimahad Guure Barre ayaa yiri “Dalacsii oo xilka ka qaad, wasiir ku xigeenna ku abaal mari ayaa la yiraahdaa alaabtaan”.

Cabdicasiis Nuur “Xamza xariif waaye ina adeerkiisa wax la’aan ma dhigin saasaa laga rabaa nin waliba ninkiisa ha noleysto”.

Mustaf Aadan ayaa isna su’aal ka keenay “Saacad ka hor ciidan ayuu ahaa hadana wasiir maa ka dhigteen?”

Maxamed Cusmaan “Maanta generaal baa darajo garbaha loogu xirayay caawana wasiir gaadaid, markaan dowladnimadu wax miisaan iyo macno toona kuu lahayn”.

Cali Xasan Waare ayaa isaguna ku jawaabay “Dowlad nimada Soomaaliya waxay noqotay bariiskeyga meel ku sheeg”.



Source link