Xildhibaanno ka tirsan BF oo loo diiday inay u dhoofaan Baydhaba

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa saaka lagu celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo doonayay inay gaaraan Baydhaba.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ayaa lasoo warriyay inay hor istaag ku sameeyeen safarka xildhibaannadan, waxaana laga reebay diyaaraddii ay raaci lahaayeen.

Xildhibaannada ay arrintan ay saameysay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuuna xaqiijiyay in laga baajiyay safarkii kuu tegi lahaa Baydhaba oo ah deegaan doorashadiisa.

Ciirow ayaa si weyn u eedeeyay ciidanka NISA ee jooga garoonka, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka dambeeyay in laga hor istaago inuu raaco diyaaraddii ku socotay Baydhaba.

Horay sidaan oo kale waxaa iyadana loogu diiday inay Baydhaba aado Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle, inkastoo maalmo kadib loo ogolaaday inay tegto Koonfur Galbeed oo si weyn loo soo dhaweeyay markii ay ka degtay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud.

Arrimahan ayaa la xiriirinayaa xiisadda u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya, walow uu jiro heshiis hordhac ah oo ay labada dhinac ka gaareen khilaafka dhexdooda ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan safarka xildhibaannada lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xiisadda ka dhex aloolsan labada dhinac waxa ay timid markii uu maamulka Lafgareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan arrinta Itoobiya oo dowladdu rabto inay gebi ahaan ka baxdo dalka, laguna beddalo ciidan kumaan kun ah oo ka imaanaya Masar.



Source link