Xasan oo fursad wayn helay kadib tallaabadii uu qaaday Saciid Deni

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay fursad wayn oo uu isaga yareyn karo culeyska siyaasadeed ee haatan haysta, kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan.

Deni oo ka hadlay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe.

“Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Deni.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Saciid Deni ay tahay fursad gaar ah oo ay haboon tahay inay ka fa’iideystaan madaxda dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac oo wadahadal galo ay muhiim tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Farriinta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku baaqay ee ah in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal, waa fursad ay tahay in madaxda dowladda federaalka ah ka faa’iidaystaan, sababtoo ah ma jirto xilli ay maanta Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo iyo wadajir dhexdeeda ah oo ay ku wajahdo damaca shisheeye iyo dagaalka argagaxisada” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha Puntland ee ah inuu diyaar u yahay in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya.



Source link