Daacish oo diyaarad siday qaraxyo ku weerartay ciidanka Puntland + Khasaaraha

Posted on

Boosaaso (Allbanaadir) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta kooxda Daacish ay diyaarad qarax siday ku weerartay ciidamada Puntland ee haatan howlgallada xoreynta ka wada aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Janno Jiifta, oo kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda Daacish.

Diyaaradda oo ahayd nooca Drone-ka ayaa waxaa lagu soo xiray, waxaana lagu beegsaday ciidamada difaaca ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Ugu yaraa 1 askari ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemaya buuraha oo ay isku hayaan labada dhinac.

Saraakiil u hadashay ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in dhulkaasi laga sifeeyo argagixisada.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan saldhigyo muhiim ah oo kooxda ku lahayd deegaanka Janno Jiifta ee gobolka Bari.

Weerarkan diyaaradda loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, xilli dhowaan Puntland ay shaacisay inay burburisau  diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ay kula dagaalameyso dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Sawirrada diyaaradahaas oo ay hiray baahisay Puntland ayaa waxa ay noocooda ku sheegtay inay yihiin kuwa wax basaasa, ayna kooxda u adeegsaneysay ciidamada howlgalka wada, waa sida maanta dhacday, kadib qaraxyada ay kusoo xireen diyaaradda.

Si kastaba, Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *