Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu.
Kulankan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD, xasilloonida gobolka iyo isbedalka cimillada, sida ay shaacisay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga.
Sidoo kale waxa uu adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol, xilli ay aloosan tahay xiisadda xooggan oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.
Wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka.
Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay xad-gudubka Itoobiya oo ayadu heshiis sharci darro ah la saxiixay Somaliland, kaas oo qeybo kamid biyaha Soomaaliya loogu gacan galinayo Soomaaliya.