Muuqaal argagax leh iyo toogasho toos ah + Go’aan

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dhageysatay kiiska askar ka tirsan ciidamada dowladda oo uu is-fahamwaa soo kala dhex-galay, kuwaas oo isku qabsaday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa soo bandhigtay muuqaal argagax leh oo ay duubtay Kaamirada CCTV, taas oo laga daawaday israsaaseyn goobta ka dhacday oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Muuqaalka ayaa waxaa laga arkayay darawalka sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo toos rasaas ugu furayo askar iyo dad kale oo meesha joogay, waxaana toogashadaas ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa isla ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa barta Siinaay.

Sababta keentay dagaalka ayaa ahayd in waddada oo xirneyd kadib gaariga looga shakiyay qarax oo goobta yiilay ay yimaadeen askar kale oo ka tirsan dharcadda NISA oo watay gaari Probox ah, waxaana eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) uu isku dayay inuu xoog uga sii daayo goobta, taas oo keentay inay is khilaafsaan isaga iyo askartii kale.

Cali Xasan Cali waa askariga ku qornaa waardiyaha goobta, wuxuu ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isaga oo tilmaamay in Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) oo ah ninka lagu soo eedeeyay bilaabidda dagaalka uu kusoo furay rasaas, kadibna uu iska difaacay, kana dhaawacay gacanta.

“Markii aan gaariga daayay kadib waxaa ii yimid ninkan oo qoray wato kadibna xabad ayuu soo riday anigane naftaada badbaadso ayaan gacanta uga dhaawacay” ayuu yiri Cali Xasan.

Eedeysanaha oo isna maxkamadda kahor hadlay ayaa qirtay inuu rasaas furay, balse waxa uu sheegay in aanu caddeyn karin in rasaastaas ay haleeshay marxuumka.

“Dhib ayaa meesha ka dhacay oo buuq ah askar meesha joogtay ayaan is qabsanay sidaas aawgeed ayaa xabadaha u riday” ayuu isna ku jawaabay eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay).

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma caddeyn karo cidda dishay marxuumka iyo inay ku dhaceen xabadaheyga, ninkaas nin walaalkey ah ayuu ahaa oo aan isku koorsa ahayn wax dagaal ahna nagama dhexeynin”.

Waxaa sidoo kale goobta la keenay marqaatiyeyaal kala duwan oo goobjoog ahaa, kuwaas oo ay wareystay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa dalbaday in eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) lagu xukumo dil toogasho ah, dhanka kalena lasii daayo Cali Xasa Cali oo ay sheegtay in aanu laheyn wax dambe ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur (Shuute) oo fadhigga soo xiray ayaa ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegay in Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) lagu xukumay dil toogasho ah, halka uu amray in xorriyaddiisa lasiiyo Xasan Cali Xasan oo ay maxkamadda u aqoonsatay difaacu nafsi, una taagnaa shaqada loo igmaday ee qaranka.



Source link