Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

Posted on

Halgan (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiran ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen aagga degmada Halgan ee gobolkaasi, si looga xoreeyo xubnaha kooxda.

Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay inay heleen xogta xubno Shabaab ah oo ku sugan halkaasi, kadiba ay weerareen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale cagta la mariyey saldhigyo xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla markaana uu jiro khasaare culus oo kooxda lagu gaarsiiyay howlgalka ka dhacay aagga degmada Halgan.

Sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaankada jinka wabiga.

“Khawaarijta meel kasta oo ay joogaan kama daba hari doono jinka wabiga iyo dhagaxyada inta u dhexeysa midkii joogo waxaan u sheegayaa inuu si deg-deg ah ga baxo,” ayuu yiri.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada.

Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo lagu xoreeya dhul aad u ballaaran.

Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, waxaana mar kale gobolkan laga abaabulayaa guluf ka dhan ah kooxda.



Source link