Sweden oo ku dhowaaqday in $34,000 ay siineyso qofkiiba si uu dalkeeda uga baxo

Posted on

Stockholm (Wararka Maanta) – Sweden ayaa qorsheyneysa inay kordhiso, oo ay gaarsiiso illaa $34,000 lacagta la siinayo dadka soo-galootiga ah si ay uga tagaan dalkaas gabaadka u noqday dad ka soo cararaya dagaallada iyo caburinta, sida ay sheegtay dowladda garabka midig.

Dalkan Scandinavian-ka ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah loo arkayey inuu yahay “mid ku sarreeya bani’aadannimada,” laakiin sannadihii la soo dhaafay waxa uu la xarbinayey sidii uu dadka cusub ee imanaya ugu dhex-mili lahaa bulshada.

Dadka soo-galootiga ah ee si iskood ah ugu laabanaya dalalkii ay ka yimaadeen laga billaabo 2026 waxay xaq u yeelanayaan inay helaan ilaa 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay dowladda ay taageeraan xisbiga ka soo horjeeda soo-galootiga ee Sweden Democrats.

“Waxaan ku jirnaa isbedel ku yimid siyaasaddeena socdaalka,” ayuu wasiirka socdaalka Johan Forssell u sheegay warfidiyeenka, iyadoo dowladdu ay soo bandhigtay tallaabadii ugu dambeysay ee ay kaga hortagayso tahriibka.

Hadda, soo galootigu waxay heli karaan ilaa 10,000 oo karoon qof kasta iyo 5,000 karoon ilmaha, oo ugu badnaan qoyskiiba loo ogol yahay 40,000 karoon.

Kooxaha u dooda muhaajiriinta ayaan si deg deg looga helin falcelin ku aaddan go’aanka dowladda.

“Yaboohan waxa uu soo jiray ilaa 1984-kii, balse waa mid aan laga war qabin, waa mid yar oo dad yar ay isticmaalaan,” ayuu yiri Ludvig Aspling oo ka tirsan xisbiga Sweden Democrats.

Forssell ayaa sheegay in hal qof kaliya uu aqbalay yaboohan sanadkii hore.

Aspling ayaa intaa ku daray in haddii dad badan ay ogaadaan yaboohan oo la kordhiyo baaxadda, ay u badan tahay in dad badan ay qaataan lacagta oo ay dalka ka tagaan.

Waxa uu sheegay in dhiiri-gelintan ay u badan tahay in ay soo jiidato dhowr boqol oo kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo ahaa shaqo la’aan muddo dheer ama dakhligoodu aad u yar yahay una baahan cayrta dowladda si ay u noolaadaan.

“Kooxdaas waa tan aan is leenahay way xiiseyn doonaan,” ayuu yiri Aspling.

Yabooha noocan oo kale ah ayaa waxaa qaba dalal kale oo Yurub ah, kuwaas oo muhaajiriinta lacag ku siiya inay dalka ka tagaan.

Danmark waxa ay bixisaa in ka badan $15,000 qofkiiba, halka Norway ay bixiso ku dhowaad $1,400, France $2,800 iyo Jarmalka oo ah $2,000.

VOA



Source link