Saciid DENI iyo QOOR-QOOR oo kulmaya iyo ujeedka ka dambeeya

Posted on

Gaalkacyo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay ku kulmaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ku sugan yahay Saciid Deni oo isagu gobolka Mudug saldhigtay tan iyo markii uu ka soo laabtay safarkiisi dibadda.

Sida ay ogaatay Wararka Maanta, labada nin ayaa saacadaha soo socda magaalada Gaalkacyo ku yeelan doona kulan xasaasi ah, kaas oo si weyn loogu gorfeyn doono arrimaha khuseeya labada dhinac.

Xogaha ayaa intaasi ku daray in kulanka madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland uu miiska u saaran yahay qodobo ay kamid yihiin iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga iyo qodoba kale oo khuseeya danaha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo mar kale u sharraxan madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa la rumaysan yahay in uu taageero ka haysto dhinaca Deni oo asagu horey u qabsaday doorasho uu kusoo laabtay.

Qoor-Qoor oo muddooyinkii dambe la xirnaa Villa Somalia ayaa hadda isku diyaarinaya sidii uu markale u soo laaban lahaa, xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh hortaagan yahay in maamullada ay qabsadaan doorasho iskood ah, maadaama uu ku dhagan yahay doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Galmudug ayaa gashay waqti doorasho aan kala cadeyn sida ay wax u dhacayaan ama hanaanka doorasho ee la aadayo, ayada oo Qoor-Qoor uu wajahayo culeys uga imaanaya musharaxiinta mucaaradka ee u taagan kursiga uu ku fadhiyo.



Source link