10 nin oo loo haysto dambiyo culus oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay illaa 10 eedeysane oo loo haysto inay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha oo sawirradooda lala wadaagay warbaahinta ayaa loo haystaa inay gaysteen dil, dhaawac iyo dhac, isla markaana ay qalqal-gelinayeen amniga caasimada.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in haatan lasoo xiray eedeysanayaasha, isla markaana lagu soo qabtay howlgalladii ugu dambeeyay.

“Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood, kuwaas oo geestay falal iskujira Dil,Dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska Booliska.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in raggan lala tiigsan doono sharciga, lana horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,

“Waxaa ku socota baaris waxaana la mar siindoonaa cadaaaladda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, soona wargeliyaan halis kasta,

“Waxaa shacabka Caasimadda ku nool laga codsanayaa in ay nala soo wadaagaan cidwalba oo ammniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanak Boliiska Soomaaliyeed 991 amma banadir@bolice.gov.so.” ayaa lasii raaciyay qoraalka Booliska.

Maalmihii u dambeeyay waxaa caasimda ka socday howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd, sidoo kalena lagu fashiliyay weeraro qaraxyo ah.



Source link