Turkiga oo wada qorshe uu Somalia uga sameynayo xarunta tijaabada gantaallada iyo…

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Turkiga ayaa haatan wada-hadallo cusub kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay wadaa qorshe culus oo ay ku dooneyso in dalka uga sameysaneyso xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Wararka Maanta u sheegay in wada-hadalladu ay marayaan meel xasaasi ah, isla markaana Turkiga uu doonayo inuu isku ballaariyo Soomaaliya, maadaama uu haatan saaxib la yahay, isla markaana uu ka taageero dhanka milatariga.

Qorshahan ayaa qayb ka ah kordhinta masaafada gantaallada gudaha laga sameeyo, gaar ahaan Tayfun, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay sanadkii 2022 in lagu tuuri karo masaafo dhan 560 kiiloomitir (350 mayl).

Turkiga ayaa leh barnaamij muddo dheer soo socday oo ku saabsan tijaabinta gantaallada masaafo dheer iyo in ay qayb ka noqdaan tartanka hawada sare ee caalamka.

Arrintan weli kama hadlin dowladda Soomaaliya, waxaana la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali uu diiday in uu faah-faahin ka bixiyo wada-hadallada socda iyo qorshaha Turkiga ee ku aadan sameysashada xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada.

Soomaaliya ayaa ku habboon in laga gano gantaallada Turkiga ee loo tuurayo Badweynta Hindiya, iyadoo sidoo kale loo arko meel ku habboon in laga sameeyo xarun hawada sare, sida ay qabaan khubarada amniga.

Si kastaba, Turkiga ayaa waxa uu ka mid yahay quwadaha shisheeye ee si joogto ah u xoojinaya xiriirkooda Soomaaliya tan iyo markii uu Soomaaliya usoo gurmaday 2011-kii.



Source link