Villa Somalia iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo laba QODOB ku heshiiyay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, kuna aadan doorashada kusoo foodka leh maamulka Koonfur Galbeed ee uu hadda hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Villa Soomaaliya oo qayb ka ah qorshaha socda ayaa lagu soo warramayaa inay u yeertay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan Madasha la magac baxday MAAN-SHIIL si looga wada-hadlo xaaladda taagan iyo arrimaha ka cusub Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana lagu heshiiyey labo qodob oo kala ah in jawi doorasho loo abuuro maamulka iyada oo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaranka iyo in xubnaha mucaaradka ay tagaan magaalada Baydhaba wax kasta oo ay ku qaadan karto.

Qodobka tagitaanka Baydhaba ayaa adkaan doono iyadoona keeni karto iska-hor-imaad hubeysan maadaama maamulka Laftagaree uusan raali ka ahayn.

Dhinaca kale waxaa maata Baydhaba isna ku wajahan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo la kulmi doono madaxweynaha Koonfur Galbeed, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Sida ay ogaatay Wararka Maanta ra’iisul wasaaraha ayaa ku qancin doono madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen inuu yimaaDo magaalada Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Xiisaddan ayaa cirka isku shareertay dhowaan, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.



Source link