Wasiir Mukhtaar Roobow oo si cajiib ah uga hadlay qadiyadda Ahlusunna

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta)- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa hortegay guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka oo su’aalo adag ka weydiiyey arrimo ay ku lug leedahay wasaaradda uu hoggaamiyo.

Xildhibaanada ayaa Wasiir Mukhtaar Roobow weydiiyey sababta uu shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay ugu casuumi waayey culimada Ahlusunna.

Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wada Ahlusunno yihiin, sidoo kale wuxuu sheegay in culimada Suufiyada ay metelaad ku lahaayeen shirarkii loo qabtay culimada.

“Ahlusunna waxaan la dhihin Soomaaliya kama jiraan, dadka Soomaaliyeed oo dhan waa Ahlusuno, laakiin duquuqu Suufiya shirkaas waa yimaadeen mashaa’ikh badan ayaa ka joogtay, hadii qof kasta yiraahdo meeshii anigaa ka maqan waa dhibaato, dadka dhana lama wada qanci karo, hoolka Hotel Jazeera culimada Soomaaliyeed ma wada deeqo,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wasiir ayaa carabka ku adkeeyey in culimada Soomaaliyeed ay shirkaas u dhamaayeen, “waad ogtihiin Nabigii ilaahey soo diray ayey dad ka hor yimaadeen oo wax ka sheegayeen, anaga maxaa naloo maleynayaa,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

Wuxuu qiray in culimada Duruuqu Suufiya ay wadankaan u soo halgameen, isla markaana ay shir guddoon ka ahaayeen shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee dowladu qabatay, “Sheekh Suufiyare ayaa guddoomiye ka ahaa guddigii shirka culimada soo abaabulay, Sheekh Maxamed Baari oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Suufiyada ayaa joogay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray “Qof shakhsi ah tabasho waa qabi karaa, laakiin dhamaanteen ayaa Ahlusunno ah, culimada Suufiyadana waa joogtay shirkaas, culimada waxaa naga go’an inaan isku wadno, waa noo siman yihiin dhamaan culimada Soomaaliyeed.”

Culimada Ahlusunna ayaa shirkaas ka qabtay tabasho badan maadaama aan lagu casuumin intooda badan, sidoo kale waxay mar kasta ka cabtaan Wasiir Mukhtaar Roobow oo sida ay sheegeen aad u diidan jiritaankooda, inkastoo ay toos u dagaalameen waayihii uu Mukhtaar Roobow ku jiray Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo



Source link