Xasan Sheekh oo la xiriiray madaxweynaha Algeria – Maxay ka wadahadleen?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib u doorashadiisa.

Labada madaxweyne ayaa wadahadalkooda hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune ayaa dib loo doortay markii Afaraad, sidoo kale waa mid ka mid ah hoggaamiyaasha sida weyn u taageera qadiyadda Falastiin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dib loo doortay ee Aljeeriya waxay wadahadalkaan si qota dheer ugu lafagureen caqabadaha hareeyey Afrika iyo danaha ay wadaagaan labada dal.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka Geeska Afrika, taasi oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, halka Masar oo muddo dheer uu khilaaf kala dhexeeyey Itoobiya ay hadda dib uga soo biirtay xiisadda.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa galay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya loo qiray inay kaga guuleysatay Itoobiyaanka, waxaana hadda laga cabsi qabaa gacan ka hadal saddex geesood ah oo Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah ay ku jiraan.

Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya caawa ku dhiirigeliyey in xiisadda la qaboojiyo ilaa xad, lagana baaqsado dagaal toos ah.



Source link