Lafta-gareen oo dib u istaadhay khilaafkii BF iyo arrin cusub uu maanta ku dhowaaqay

Posted on

Baydhabo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta dalka dib ugu soo laabtay safar maalmo qaatay oo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa si weyn loogu dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Lafta-gareen oo soo dhaweynta kadib hadal u jeediyay dadweynaha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay hadalladii dhawaan kasoo yeeray caasimada, taas oo ula jeedo xiisaddii ka dhalatay taageeraddii shacabka reer Koonfur Galbeed iyo xildhibaannadooda u muujiyeen ciidamada Itoobiya.

Khilaafkan oo maalmo ka taagna baarlamaanka ayaa xal laga gaaray, wuxuuna hadalka Lafta-gareen u muuqda mid dib loogu istaadhayo xiisadda, isaggoo sheegay in beegsiga reer Koonfur Galbeed lagula kacay ay wax u dhimeyso midnimada, sida uu hadalka u dhigay.

“25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool dalka iyo dibaddaba midnimo iyo inay ka shaqeeyaan danaha deegaankooda, isaggoo si weyn u amaanay tallaabaddii ay qaadeen xildhibaannada maamulkaasi oo dhawaan xiisad ka abuuray baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Lafta-gareen ayaa imanaya xilli ay xildhibaannada Koonfur Galbeed ay aqbaleen raali-gelin uga timid xildhibaanada beelaha Hawiye, iyagoo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay horay wax uga tabanayeen.

Xildhibaannada reer Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dad warkooda fursad ka dhex arkeen ay abuureen xiisad weyn oo ayaga lagu dhibaateynaayo.

Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Hawiye ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya.

Shir jaraa’id oo dhawaan ay si wadajir ah u qabteen xildhibaanada labada garab ee is raali geliyey ayaa qolo kasta waxay cadeysay in wixii dhacay halkaas looga gudbay oo warka intaas lagu dhameeyo, bulshada Soomaaliyeed oo isku duubana laga doonayo inay dalkooda difaacdaan.



Source link