Xasan oo qaaday tallaabo kale oo xiisadda Itoobiya – Muxuu sameeyay maanta?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadal khada taleefoonka ah la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell, isaga oo ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaaamayo Al-Shabaab, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Wada-hadalkan ayaa kusoo aaday, xilli ay kasii dareyso xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana haatan soo saddaxeeyay dalka Masar.

Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday tallaabo kale oo hurineyso xiisadda, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalladan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada iyo ciidamo la geyn doono magaalooyin u dhow xadka Soomaaliya, gaar ahaan D.D.S.

Dhankooda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.



Source link