CC Shakuur oo si yaab leh u difaacay reer K/Galbeed kadib tallaabadii ay qaadeen

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay dooda culus ee ka dhalatay taageeradii uu maamulka Koonfur Galbeed u muujiyay ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Soomaaliya.

Warsame ayaa ayaa shaaca ka qaaday in Koonfur Galbed aysan heshiis bada lagu bixiyay aysan la gelin Itoobiya, isla markaana aanu jirin sabab loo beegsado maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga haboon yahay in arrinta la qabiileeyo, isla markaana dano gaar ah oo siyaasadeed ooga faa’iideysto xiisadda taagan.

Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in difaaca dalka iyo danaha qaranka ay mas’uul tahay dowladda Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay tahay cida leh go’aanka ay ku joogayaan ama ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey.

Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka AS.

Reer Koonfur Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin ciidankeeda nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ah ee ciidankeeda ATMIS ka baxsan dalka ku joogaanna lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado.

Soomaaliyeey waa in aan garawsanaa in ku xadgudubka gobonimada dalkeena uusan qabiil ama maamul gobol midkoodna wax ka goynin. Dowlad-qaran uunbaa dal difaaci karta, waxna ka goyn karta loollaanka joqraafi siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan kan la xariira amniga Badda Cas iyo biyaha Webiga Niil, iskumana heli karno in aan kala adkaanno, cadawgeenana ka adkaano, mana jiro maanta cudur nooga wayn hoggaan xumo iyo midnimo la’aan.



Source link