Xasan Sheekh iyo Afwerki oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah + Sawirro

Posted on

Beijing (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha oo shir weyn ay uga qeyb gelayaan.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac ee Afrika iyo Shiinaha ayaa lagu gorfey doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Waxaa xusid mudan in shirkaas uu ka qeyb gelayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xili uu taagan yahay khilaaf adag oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana suurtagal ah in kulamo ay Shiinaha ku dhex maraan dhinacyada ama ugu yaraan ergo ka kala socota.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qeyb gelaya madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea oo sida Soomaaliya uu khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal kala dhexeeyo Itoobiya, waxaana socda isku day qaar kamid ah madaxda Afrika ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadiyaan dalalka gobolka ee is khilaafsan.



Source link