Ku dhowaad 100 qof oo loo haysto dambiyo culus oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gudaha magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen burcaddii ugu badneyd, kadib howlgallo qaatay laba todobaad oo laga sameeyay gudaha caasimada.

Sidoo kale wuxuu tirada dadka lasoo qabtay uu ku sheegay illaa 70 ruux oo qaarkood kasoo muuqday baraha bulshada, iyaga oo gaysanaya dhac toos ah.

“Ilaan 70 oo isugu jiro dhac hubeysan iyo dad dhacay lacag gaareyso $10 kun oo shabakad ahaa si farsameysan uga dhacay dadkii lahaa hantidaas ayaa lasoo qabtay” ayuu yiri.

Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhammaan dadkan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Dadkan waxay isugu jiraan kuwa toos maxkamadda loo horgeyn doono oo cadeyntoodii wata iyo kuwa baaris ay u dhiman tahay, lana caddeyn doono dambigooda” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku garab siiyeen booliska soo qabashada eedeysanayaasha hadda xiran

“Soo qabashada kooxahan waxaa sahashay wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Maalmihii dambe ayaa waxaa gudaha caasimada howlgallo ka waday ciidamada Booiska, kuwa Xasilinta Caasimada iyo Nabad-sugidda, si looga hortago falalka amaan darrida ah.

 



Source link