Xaggee ku dambeeyeen lacagihii Al-Shabab ka qaadi jireen garoonka iyo dekedda Muqdisho?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay arrimo ku aadan dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in la cuuryaamiyay dhaqaalihii kooxda, isla markaana la joojiyay inta badan lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jireen shacabka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleystay iay jarto lacagihii Al-Shabaab ka heli jirtay garoonka iyo dekedda Muqdisho, taas oo uu tilmaamay inay xoog uga qaadan jirtay ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waxaa la jaray tubooyinkii uga furnaa dekadda iyo garoonka mana jiro garoon iyo dekad ay canshuuraan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Al-Cadaal ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqa inay garab istaagaan dowladda, si looga hortago dhibaatada Al-Shabaab.

“Fursaddan waxaan uga faa’iideysanayaa inaan baaq u diro bulshada Soomaaliyeed oo aan u sheego waddankeena haddii ay mushkilo ka jirto dhibaatada ugu ballaara waxaa iska leh Khawaarijta waana wax ay toos u sababeen iyo wax ay si dad badan u sababeen” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Caqabadda koowaad in adeegga dowladda uu gaaro shacaba cidda hortaagan waa Khawaarijta, haddii ay dowladnimadeenna nutineyso waa iyada”.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dagaal dhowr waji leh ugu qaaday Al-Shabaab, waxaana ugu muhiimsanaa dagaalka tooska oo lagu xoreeyay dhul ballaaran iyo midka dhaqaalaha.



Source link