Shir xasaasi ah oo laga yeeshay xaaladda Soomaaliya + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shir muhiim ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimo ee ka jira gudaha dalka.

Shirkan oo uu daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa soo qabam qaabisay Hay’adda SoDMA, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya wakiilo caalami ah oo ka socda hay’adaha Samafalka.

Muddada uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee hadda taagan.

Sidoo kale waxaa lagu qiimeyn doonaa wixii qabsoomay iyo in meesha laga saaro caqabadaha ka jira arrimaha gargaarka.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkan la qabto lixdii bil hal mar, isla markaana uu horay uga qabsoomay magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kulankan diiradda lagu soo saarayo xaaladaha adag ee la xiriira nolosha ee ka taagan Soomaaliya, si gaar ah abaar uu sheegay in la filan karo bilaha soo socda.

Maxamuud Macallin ayaa sheegay inay ku jiraan diyaar garow guud, si looga jawaabo xaalad kasta oo bani’aadanimo oo soo kororta.

Soomaaliya ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabta abaaraha iyo fatahaadaha, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed.



Source link