Soomaaliya oo guul wayn gaartay, kadib dayn cafintii dalka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar wayn oo dhanka dhaqaalaha sameysay kadib dayn-cafintii dalka, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay hormar la taaban karo gaartay bilihii lasoo dhaafay, taasina ay ku timid guushii wayneyd ee laga gaaray Barnaamijka Dayn-cafinta.

Biixi Iimaan Cige ayaa qiray in dayn-cafintii kaddib uu dalka sameeyay horumar dhanka dhaqaalaha ah, taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray.

Soomaaliya, dayn-cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, waana arrin lagu farxo, ” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay safarkiisa dalka Mareykanka iyo kulamo gooni gooni ah oo uu la qaatay madaxda hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga adduunka oo uu kala hadlay halka uu dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa boggaadiyay Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, isaga oo sheegay  in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga, taasina loo baahan yahay.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana jira fursado kale oo ay sahashay dayn-cafinta, maadaama la helayo maal-gashadeyaal caalami ah.

Isbedallada la dareemay waxay ku yimaadeen dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay sidii loogu talagalay loo qaado canshuuraha oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.



Source link