Xasan Sheekh oo sameeyey xil ka qaadis la xiriirta xiisadda Itoobiya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka,  maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda, taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Cabdirishiid Jilley ayaa xilkaas hayey dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana u magacaabay Xasan Sheekh oo ka dhigtay Ergayga u qaabilsan arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Xildhibaan Cabdirishiid Jilley ayaa shalay warbaahinta u aqriyey war ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo diiday Masar, soona dhoweeyey in Itoobiya ay dalka sii joogto.

Xildhibaanadaas ayaa si cad u sheegay inay  ku mowqif yihiin oo la dareen yihiin dadkii banaanbaxa ka dhigay Xudur ee taageeray Itoobiyaanka, isla markaana diiday in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaanada K/Galbeed ayaa shalay madaxda dowladda federaalka ka dalbaday inay baarlamaanka horkeenaan heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar, iyagoo muujiyey diidmo adag oo ka dhan ah Masar.

Xildhibaanadaas ayaa si toos ah u taageeray qorshaha Itoobiya, waxayna kala  kulmeen cadaawad iyo caro ay u qaadeen dadka Soomaaliyeed oo diidan damaca Itoobiya iyo qadiyadda ay ka hadleen.

Xil ka qaadista Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley ee caawa uu sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salka ku heysa dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo jaceyl laga yaabay u muujiyey Itoobiyaanka.



Source link