Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale aan is-hureyn iyo mid Soomaalida seegan

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Itoobiya iyo Soomaaliya waxay u muuqdan kuwo aan is hureyn, markaad eegto wixii ka dhacay Xudur iyo farriintii maalmo ka hor ka timid Hiiran iyo Gedo, ee ay dad Soomaali ah kula safteen Itoobiya.

Labada dal waxay horey u dagaalameen labo jeer 1964 iyo 1977. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka, oo Dowladdihii jiray u sahlay iney shacabku bixiyan xoog, xoolo iyo naf. Sidoo kale madaxdu waxay ahaayeen dad la jecelyahay oo hadalkooda loo hoggaansamo.

Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cade, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud.

Dagaalkii 1977, ruuxda dagaalku waxay aheyd iney Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan kusoo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Maxamed Siyaad Bare, Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.

2024, hadii la is huri waayo, madaxda aragtida dagaal ee Soomaaliya hormuud u noqon kara waa Xasan Sheekh Maxamuud, Jaamac (madaxa na furan), Ibraahim Sheekh Muxdiin iyo Sanbaloolshe.

Hadaba iyadoo maanta ay Soomaaliya Federaal tahay, gobolladeena qaar ay Itoobiya dad Soomaali ah ka hadal-siisay, lix gobal oo dalka ka mid ah ay ciidanka Itoobiya joogan, Xasan Sheekh uusan aheyn madaxweyne shacbi ah oo la jecel-yahay, Dowladnimadeenii ajinabi ilaaliyo, argagixiso dhexdeena lagu abuuray.

Maxaa noqon kara ruuxda ama aragtida mideyn karta dadka Soomaaliyeed si loo difaaco dalka, Yeyse tahay iney ummadda la hadlan oo warkoodu wax gooya, la aaminaya, oo kicin kara dadka?

W/Q: Abdullahi Osman Farah



Source link