Macawiisleyda oo deegaano cusub kala wareegtay Al-Shabaab

Posted on




Halgan (Wararka Maanta) –  Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay howlgallo culus ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada deegaanka ayaa weeraray fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmada Halgan ee gobolkaasi, waxayna dhulkaasi ka saareen xubnihii ku sugnaaa.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay inay ka war heleen Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayo deeegaannada howlgalka laga sameeyeen kadibna ay sidaas ku weerareen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen ayna la wareegeen deegaanada hoos yimada degmada Halgan.

Waxaa kale oo ay saraakiishu sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedka uu yahay inay halkaasi ka xoreeyaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda.

Hiiraan ayaa waxaa weli ka soconayo abaabul xoogan, waana halka uu kasoo bilowday kacdoonka ka dhanka ah Khawaarijta ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.










Source link