Laftagareen oo ku abaal-dhacay Madaxweyne Xasan Sheekh

Posted on

Baydhabo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa lagu eedeeyay inuu ku abaal-dhacay, isla-markaana uu dhabarka jabiyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu kala saftay Itoobiya oo xilligan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ay kala dhexeyso Soomaaliya.

Maamulka Laftagareen ayaa si buuxdo taageero ugu muujiyay ciidamada Itoobiya, kadib dibadbaxyo ka dhacay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool, kuwaas oo sidoo kale lagu diiday qorshaha Villa Soomaalia ee ku aadan keenista ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS.

Siyaasiga Xasan Cabdi Guuleed oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed, isla-markaana la hadlay Universal ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu fursad wayn siiyay Laftagareen, xilli uu dhammaaday muddo xileedkiisa, balse uu ku abaal-dhacay, isla-markaana uu abuurayo xaalad halisteeda leh oo ku aadan arrinta Itoobiya.

Xasan Cabdi Guuleed ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu hor istaagay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo rabay in uu dhaco isbeddal, isla markaana doorasho laga qabto maamulkaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaladkii koowaad ee uu galay waxa uu ahaa markii uu dalka yimid waxaa jiray niman guddoomiyeyaal baarlamaan hore oo rabay inay isbeddal sameeyaan oo doorasho laga qabto Koonfur Galbeed laakiin madaxweynaha ayaa kusoo baxay oo hakiyay, waxayna dhashay in maanta Laftagareen reer Xudur iyo reer Waajid inuu yiraahdo Itoobiyaa rabnaa dhaha” ayuu yiri Xasan Cabdi Guuleed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Jaaniska uu Laftagareen illaa intaan kusoo gaaray sabab iyo waqti ayaa jiray waxaana xiisaddii jirtay qaboojiyay madaxweynaha oo dhiig joojin ka dhigay inuu Laftagareen sii fadhiyo. Maanta Laftagareen iyo Itoobiya oo is wata maba dhacdeen, laakiin qalad horay loo galay ayay ahayd”.

Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in taageero gudaha ah loo muujiyo Itoobiya oo ah cadowga Soomaaliya, sidoo kalena duulaan ku ah baddeeda.

“Itoobiya waa cadow gaamuray, iyada ayaa duulaan nagu ah, baddeenna ayay si kibir ah ugu socotaa” ayuu mar kale yiri siyaasi Xasan Cabdi Guuleed.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan, isla-markaana ay garab istaagaan dowladdooda, si meel looga soo wada jeesto dowladda federaalka Itoobiya.



Source link