ITOOBIYA oo ceeb wayn dhex istaajisay Somaliland iyo arrin soo shaac baxday

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa ceeb wayn dhex istaajisay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo maalin kahor shaaca ka qaaday in warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay safiir uu sheegay in Itoobiya usoo magacowday Hargeysa, kaas oo lagu magacaabo Teshome Shunde Hamito.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay. Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyeysalaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Intaas kadib Itoobiya ayaa haatan soo saartay warkan mid ka duwan oo ceeb wayn dhex istaajinaya Somaliland, waxaana soo hadlay ninka lasoo magacaabay Teshome Shunde Hamito.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in shaqadiisa ay tahay oo kaliya qunsiyadda Itoobiya ee Hargeysa, isla markaana uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqada qunsulka guud ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Addis Ababa iyo Hargeysa.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan si rasmi ah u bilaabo shaqadayda Qunsulka Guud ee Itoobiya ee Hargeysa, anigoo u bandhigaya Madaxweynaha Somaliland. Waxaan aad u rajeynayaa inaan ku guuleysano dadaalladayada aan ku horumarinayno xiriirka dhaqaalaha iyo labada shacab,” ayuu yiri Teshome Shunde Hamito.

Arrintan ayaa waji gabax ku ah Somaliland oo horay heshiiska badda ula gashay Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Somaliland ayaa qorshaheeda ugu wayn ee heshiiskan wuxuu yahay inay ictiraaf ka hesho Itoobiya, iyadana ay sidaas uga beddalatay marin biyood, laakiin haatan ay soo wajaheen caqabado iyo culeys laga dareemay gobolka.



Source link