Weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba

Posted on

Baydhaba (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo xalay Al-Shabaab ay ka gaysatay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa bambaano ayaa waxaa lagu weeraray laba guri oo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Labo sarkaal oo la weeraray guryahooda ayaa ka maqnaa xaafadda xilliga uu dhacayay weerarka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dad ehello ah oo ku sugnaa guryaha la beegsaday ay waxyeelo soo gaartay iyo qaar kamid ah ilaalada saraakiishaasi.

Kooxda weerarka fulisay ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay baxsatay, waxaana haatan Baydhaba ka socda saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegtay in bartilmaameedkeeda uu u dhacay sidii ay qorsheysay, maadaama ay weeraray guryo ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, laakiin waxaa soconayo howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu baadi goobayo raggii weerarka ka gaystay halkaasi.

Baydhaba ayaa waxaa habeennadii lasoo dhaafay weeraro ka gaysaneysay Baydhaba, waxaana dhowaan ay madaafiic ku gaaracday garoonka Shaati Gaduud ee magaaladaasi.



Source link