Fadeexad weyn oo kusoo baxday shirkadaha maamula garoonka iyo dekedda Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta soo bandhigay fadeexad culus oo lagu helay shirkadaha Albayrak iyo Favori LLC oo maamula garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee magaalada Muqdisho.

Hantidhowraha ayaa maanta soo bandhigay natiijada shan baaris oo lagu sameeyay hay’adaha dowladda iyo sidoo kale labadaan shirkadood oo ah kuwa ajanabi ah.

“Si waafaqsan Sharciyada Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud, Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu la wadaagayaa dadweynaha natiijada 5 baaris oo uu sameeyay, kana soo saaray 8 warbixin” ayaa lagu yiri warbixinta.

Hantidhowraha ayaa shaaca ka qaaday in Albayrak iyo Favori aysan soo gudbin warbixinta maaliyadda ee laga rabay, si loo ogaado saamiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.

“Sida uu xqiijiyay xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda labada shirkadood midoodna lama wadaagin warbixinadooda maaliyadood oo soo maray baaris hantidhowr oo madax bannaan si loo caddeeyo, loona ogaado dhab ahaan cadadka saamiga lacageed ee DFS ay yeelaneyso” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Hantidhowraha guud ee qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada shirkadood ay jabiyeen heshiisyadii ay kula jireen dowladda federaalka, maadaama ay diideen soo gudbinta warbixinta maaliyadda.

Sidaas darteed maadaama shirkadaha Albayrak iyo Favori ay jabiyeen, kuna xadgudbeen heshiiska dheef wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, isla markaana aysan usoo gudbin xafiiska xisaabiyaha guud warbixin maaliyadeed soo martay baaris hantidhowr madax bannaan ugu dambeyn muddada ku cad qandaraasyada kadib dhammaadka sanad maaliyadeed walba, sidaas aawgeed xafiiska hantidhowrka guud uma suuragelin inuu xaqiijiyo in qidmadda dheef wadaagga ah oo dhan 34,261371 dollar ay tahay mid si dhab loo xisaabiyay, loona hantidhowray marka la fiiriyo cadadka dakhliga ay labada shirkadood qabteen iyo saamiga DFS, maadaama ay labadooduba si joogta ah u jabiyeen heshiiska” ayuu mar kale yiri Hantidhowraha oo faah-faahiyay warbixinta uu maanta soo saaray.

Sidoo kale baarista uu sameeyay Hantidhowrka ayaa lagu ogaaday in la waayay malaayiin dollar oo aan lagu soo shubin qasanadda dhexe ee dowladda federaalka, sida uu shaaciyay Hantidhowraha.

Waxaa kamid ah meelaha la tilmaamay saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood, kuwaas oo uu Hantidhowrku sheegay inay isticlaameen lacagihii ay qabteen, kahor inta lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda.

“Dakhli ay qabteen saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood ayaa lagu isticmaalay isla goobtii lagu qabtay, kahor inta aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda, sidoo kalena aan lagu muujin warbixin maaliyadeedka uu soo gudbiyay xafiiska xisaabiyaha guud” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee qaranka.

Hantidhowraha ayaa sidoo kale soo bandhigay lacagaha ku maqan safaaradaha saddexda ah, wuxuuna sheegay inay qabteen ku dhowaad saddex milyan oo dollar,taas oo aysan ku shubin qasanadda dhexe, sidoo kalena aysan soo gudbin xiisaabkii xirkii laga rabay.

“Safaaradaha iyo qunsuliyadda la baaray ayaa uruuriyay dakhli dhan 2,790,000 safaaradahan ayaan soo gudbin xisaab xirka sanadlaha ah” ayuu mar kale yiri.



Source link