Ku dhawaad $3 milyan oo laga waayay qasnada DF – Yey ku maqan tahay?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Hantidhworaha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixinta baarista ee 2023, taas oo lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Hantidhowraha ayaa soo bandhigay natiijada shan baaris oo uu kasoo saaray siddeed warbixin oo faah-faahsan, kuwaas oo lagu muujiyay khaladaadka maaliyadda ee jira.

“Si waafaqsan Sharciyada Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud, Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu la wadaagayaa dadweynaha natiijada 5 baaris oo uu sameeyay, kana soo saaray 8 warbixin” ayaa lagu yiri warbixinta.

Baaristan ayaa lagu ogaaday malaayiin dollar oo la waayay isla markaana aan lagu soo shubin qasanadda dhexe ee dowladda federaalka, sida uu shaaciyay Hantidhowraha.

Waxaa kamid ah meelaha la tilmaamay saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood, kuwaas oo uu Hantidhowrku sheegay inay isticlaameen lacagihii ay qabteen, kahor inta lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda.

“Dakhli ay qabteen saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood ayaa lagu isticmaalay isla goobtii lagu qabtay, kahor inta aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda, sidoo kalena aan lagu muujin warbixin maaliyadeedka uu soo gudbiyay xafiiska xisaabiyaha guud” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee qaranka.

Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale soo bandhigay lacagaha ku maqan safaaradaha saddexda ah, wuxuuna sheegay inay qabteen ku dhowaad saddex milyan oo dollar,taas oo aysan ku shubin qasanadda dhexe, sidoo kalena aysan soo gudbin xiisaabkii xirkii laga rabay.

“Safaaradaha iyo qunsuliyadda la baaray ayaa uruuriyay dakhli dhan 2,790,000 safaaradahan ayaan soo gudbin xisaab xirka sanadlaha ah” ayuu mar kale yiri.

Hoos ka daawo:-



Source link